Gabar uu dhalay Elman oo lagu dhax dilay xarunta Xalane ee Muqdisho

Warar kusoo dhacay warqabadka shabakada Allbanaadir ayaa sheegaya in gudaha xarunta Xalane ee magaalada Muqdisho ku geeriyootay Gabar Soomaaliyeed oo kasoo jeeda Qoys caan ah.

Xabad aan la ogeyn cida soo riday ayaa Almaas Elman Cali Axmed oo heesata dhalashada dalka Canada waxa ay kula dhacday gudaha xarunta Xalane, waxa ayna gabadhan horey usoo noqotay Xoghayaha kowaad ee Safaaradda soomaaliye ee Kenya.

Gabadhan xabada kula dhacday gudaha xarunta Xalane ay degan yihiin AMISOM iyo qaar kamid ah safaaradaha reer Galbeedka ayaa waxaa dhalay Elman Cali Axmed oo ahaa nin caan ahaa oo u ololeeyn jiray nabada kaa oo horey loogu dilay Muqdisho.

Wali ma jiro wax war ah oo kasoo baxay dowlada iyo AMISOM oo ku aadan geerida gabadhan Soomaaliyeed iyo cida fulisay, waxaana xusid mudan in xarunta Xalane ay tahay mid amaankeeda si weyn loo ilaaliyo ayna joogaan ciidamo kala duwan.

 

- Advertisement -